Thursday, December 29, 2011

ShirWayne Beesha Garjinte Gardheer Samaale December,31, 2011

 OGAYSIIS: Shir Wayne Beesha Garjinte Gardheer Samaale oo ka Dhacaya Magaalada Pheonix ee Mareykanka

December,29, 2011 – Waxaa La ogeysinayaa dhamaan xubnaha ku abtirsada beesha Garjinte ee ku dhaqan dalka Mareykanka [USA] in ay ka soo qayb galaan shir weyn oo mudo la abaabulayay, ahna kii ugu horeeyay oo ay beeshu ku yeelanayso magaalada Pheonix Arizona taariikhdu marka ay tahay December,31, 2011 (Sabtida).
Shirkan oo ajandahiisu yahay wadatashi ku saabsan kaalinta beesha kaga aadan arimaha horumarka ee dhulka hooyo, gaar ahaana dagaanka beeshu ku abtirsato iyo waliba arimo kale oo beesha si gooni ah u khuseeya oo ay ka mid yahiin isku xidhka beesha. Shirkan ayaa lagu wadaa in ay ka soo qayb galaan indheer garad, culima,udiin, ugaasyo, haween iyo dhalinyaro u dhalatay beesha. 
Shirkan oo mudo la abaabulayay ayaa la rajaynayaa in ay ka soo baxaan go,amo wax ku ool ah oo la taaban karo ilaahay idamkii. Shirku waxuu bilaabmayaa 2pm wuxuuna Dhamanayaa 4pm. Goobta uu shirku ka dhacayo:
Renaissance Phoenix Downtown :
50 East Adams Street
Phoenix, AZ 85004
1 602-333-0000
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Axmed Sheikh Yusuf (Isku xirka) 612-928-3241
Dr.Mahad Axmed Calasow ( Madaxa Qurbajooga)(Abaabulka)
Ugaas Xassan Sheikh Cabdullahi (Talo bixin)
Daahir Axmed (Xiriiriyaha shirka)
Cabdullahi Cabdulle (Shir gudoomiye)
Waad mahadsantahiin.

No comments:

Post a Comment